Sheekh Axmed Madoobe Oo La Kulmay Kheyre

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam, ayaa Hoteelka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Hassan Ali Khaire….

Kulanka oo ahaa mid Is xogwareysi ah ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka, Khilaafka Ciidamada Gobolka Gedo iyo Shirka Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad Gobaleedyada ay yeelanayaan, kaasoo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka laguna qabanaayo Teendhada Xalane.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa degan Hoteel ku yaal gudaha Xerada Xalane, waxaana la sheegay in 35-Askari oo Ciidamada Uganda (Amisom) lagu xoojiyay gudaha Hoteelka iyo iyadoo la dejiyay qol aan xabadaha karin Dariishadihiisa iyo albaabkaba, waxaana laga hayaa ilaalo 24-saac oo joogto ah, kadib weerkii hoobiye Ee shalay soo qaadeen Taageerayaasha Farmaajo iyo Fahad.

100620cookie-checkSheekh Axmed Madoobe Oo La Kulmay Kheyre