Markab ku Degay Xeebaha Djibouti Muhaajiriina Badana ku Geeriyoodeen…

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab ay saarnaayeen Muhaajiriin u dhalatay Dalka Ethiopia kuwaasoo Isniintii Todobaadkan ku dhinteen Xeebaha Dalka Djibouti, Markab oo ay saarnaayeen Muhaajiriin ayaa ku sii jeeday Dalka Yemen si ay uga sii gudbaan Dalka Sacuudiga…

Wararka ayaa sheegaya in Markabkaan degay waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee loo soo gaabiyo IOM, waxeyna intaasi raacisay in la soo badbaadiyey 22-Qof oo ka mida Dadkii Markabkaasi saarnaa.

Khubarada arrimaha Muhaajiriinta ayaa ka digay in Marinkaan iyo Kuwo kale oo ku yaal Xeebaha Gobolada Sanaag iyo Bari ee Somalia ay yihiin kuwa ugu halista badan, oo Muhajiriinta isticmaalaan ayna la kulmaan in dhaqaale badan laga qaado, la Afduubti, Xabsiyo la dhigo ama si khasaba loogu shaqaysto halka Qaar la dilo.

320280cookie-checkMarkab ku Degay Xeebaha Djibouti Muhaajiriina Badana ku Geeriyoodeen…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *