Qatar Oo Afduubtay Xafiisyada Arrimaha Dibeda & Sirdoonka NISA

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujineysa in Dowladda Qatar ay xiligaan saameyn ballaaran ku leedahay nidaamka shaqo ee Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Hay’ada Sirdoonka qaranka, inkastoo Xafiisyada Rooble uu ku howlan yahay sidii loo wiiqi lahaa awooddaasi..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wasiirka 1-aad uu Amar dul dhigay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashandhigga ay diyaariyaan qorshayaal dib loogu soo celinaayo gacanta Dowladda Xafiisyada kor ku xusan oo muddo 5-sano ah ay Saameyn iyo fara gelin toos ah Ay ku heysay Dowladda Qatar taasoo hoos u dhigtay Magaca iyo sharafka Qaranka Soomaaliyeed.

Farmaajo iyo saaxiibkiisa siyaasadeed ee Fahad Yasiin, ayaa noqday kuwa ay indho tirtay dhaqaalaha faraha badan ee ay ka helayaan Qatar, iyagoo gacanta u galiyey labada Hey’adood, taasoo u fududeysay iney ku carqaladeeyaan Diblomaasiyiinta Carbeed iyo Ajaanibta dalalka shisheeye ee uu wadankooda xiriirka xun kala dhaxeeyo.

Saraakiisha Sirdoonka Qatar ayaa qoratay xubno si gaar ah ugu shaqeeyo, kuwaa oo dhibaatooyin u gaysta, dadka Soomaalida ee ka soo horjeeda siyaasadooda, iyo kuwa ajaanibta ah, waxaana ciidamada ay maamullaan tiradooda ugu badan ay ka howl gallaan garoonka Muqdisho.

160990cookie-checkQatar Oo Afduubtay Xafiisyada Arrimaha Dibeda & Sirdoonka NISA