Duufsiga Dhalinyarada Somalida Iyo Saameynta Maamulka Dooxa

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Dhalinyarada Soomaalida Ee la duufsaday, ayaa loo xaqiijiyay iney Qeyb ka noqon doonaan diyaar inta Ciidamo ka qeyb qaata ilaalinta ambiga Garoomada Ciyaaraha ee Koobka Aduunka sanadka 2022-ka, waxaana tababaro loogu qaaday Xero Ciidan oo ay maalgeliyeen Dowladda Qadar ku taal duleedka Magaalada Asmara Eritrea…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay Abaabulka Dhalinyaradaan loo Xil saaray Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin, waxaana la sheegay in tirada saxda ah aan la xaqiijin karin balse ay u dhaxeeyaan 10.000 oo xubnood, waxaana Wararku ay sheegayaan in 5000 oo ka mid ah Dhalinyaradaan lagu biiriyay Ciidamo huwan ah oo loo carbiyay iney difaacaan Qaranimada iyo Saldanada Qatar hadii ay weeraro ku soo qaadaan Dalalka Sacuudiga Iyo UEA.

Abe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Jaamac Dhoodi ayaa sheegay in Wiilkiisa uu ku geeriyooday Gacan ka hadal dhex maray Dhalinyarada Somalia iyo kuwa Eritrea Ee Tababarada u socday dalkaasi, bishii April Ee sanadkii tagay, Waxaana ku soo wargeliyay Geeridiisa Saraakiil ka tirsan NISA, iyadoo dhaqaale dhan 10.000 US$ ah gacan u geliyay, Dowladda Qatar ayaa bixisay 100.000 US$ mag ahaan.

Qorshaha qorista Dhalinyarada oo 2-sano Ee ugu dambeysa laga waday Xarunta dhexe Ee NISA si qarsoodi ah si Ciidamo ugu noqdaan Dalka Qadar, halka qaarkood kale Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu u adeegsaday Dagaalada Ethiopia kuwaasoo Dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen, waxaana Caro xoogan ka muujiyay Hooyooyinka Degmooyinka Konfurta Gaalkacyo iyo Degaanada Guricel ee Maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Hal Guuto oo ka tirsan Ciidamadaan (Dhalinyarada) ayaa laga howl geliyay Magaalada Mogadishu, halka Guutada 2-aad la sheegay iney ku sugan yihiin xero ku taal Magaalada Dooxa Ee Dalka Qadar,Guutada 3-aad ayaa waxey weli ku sugan yihiin Dalka Eritrea, kuwaasoo ka qeyb galay Dagaalka Ethiopia ee Gobolka Tigray.

90530cookie-checkDuufsiga Dhalinyarada Somalida Iyo Saameynta Maamulka Dooxa