Muran Ka Dhashay Masaajid La Dhisay Oo Soo Laba-kacleeyay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Guricel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Muddo dheer ay xiisado lagu guuleysan waayay xalinteeda ay ka taagan tahay, taasoo salka ku heysa Masaajid ay dhisteen Xubno degaanka ka soo jeeda balse aad u taageersan Kooxda Al-ictisaam….

Sheikh Abdirisaaq Cali Mire Al-ashcari oo ka mid ahaa Hogaankii Sare ee Kooxda ahlusunna Waljameeca dhawaana xoog looga saaray deeganada Galmudug qaar ka mid ah ayaa waxa uu sheegay in Haddii la furo masaajidda Xiran ee Kuyaal Magaalada Guriceel uu weerar ku qaadi Doono.

Sheikha ayaa haatan ku sugan Tuulo hoostagto magaaladaas laguna magacaabo Tuulo Caano waxana uu halkaas ku heestaa ciidan ilaalo u ah, Arintaan waxaa ka soo xiganay xubno aad ugu dhow Sheikh Abdirisaq, Maalmihii dambe Guriceel waxaa ka taagnaa is qab-qabsi la xariira arimaha masjid ahlusunna ay xirtay 12 sano ka hor.

Iyadoo Odayaasha degaanka, Maamulka Galmudug iyo Kan Dowlada Federaalka ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan xalinta arrinta Masaajidka iyo sidii Labada dhinac Loo dhex dhigi lahaa Heshiis nabad ku wada noolaasho.

51790cookie-checkMuran Ka Dhashay Masaajid La Dhisay Oo Soo Laba-kacleeyay