Ma Dhabaa in Dollar Been Abuur Caasimada Mogadishu la soo Geliyay

Somalia news

Ilo wareedyo amaan ayaa sheegaya in koox qowleysato ah oo taageero u ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa la sheegay iney Caasimada soo geliyeen cadad aad u badan oo Dollar been abuur ah looguna tala galay in lagu iibsado Codadka Xildhibaanada & Senatarada ee Tartanka Xilka Madaxweynaha…

Baaris iyo dabagal uu Warsidahaan ku sameysay kiiska Lacagahaan been abuurka ah ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah murashaxiinta Madaxweynaha uu u adeegsan doono Xildhibaannada codkooda iibsanaaya inuu ku khaarijiyo si codka ugu helo.

Waxaa suuragal ah in lacagta been abuurka ah la adeegsado saacadaha dambe ee doorashada, gaar ahaan habeenka ka horeeya maalinka doorashada, xiligaasi oo ah waqti saxmad badan oo isbarbar yaac badan uu jiro, ayna adag tahay in lacagta la xaqiijiyo sax ahaanshaheeda.

Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa dhaqan u ah iney codkooda ka iibsadaan Musharaxa u tartamaya Hogaanka Dalka, halka Musharaxa naftiisa kalsoonida uu qabo ay tahay lacagta faraha badan ee Xildhibaannada uu siinaayo, balse waxaa inta badan dhacda in murashaxiin badan lacag laga qaato codkana aan la siin.

187310cookie-checkMa Dhabaa in Dollar Been Abuur Caasimada Mogadishu la soo Geliyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com