Maxaa ka Dhacay Villa Somalia ka hor Weerarkii Hotel Xayaat..

Somalia news

Macluumaad Hey’addo Sirdoon ayeey saacado ka hor fariimo xambaarsan digniino Amni & Weerar ku wargeliyeen Hogaanka Villa Somalia inkastoo aan si gaar ah loogu sheegin goobta qaraxyada loo xushay, waxaase dhacay isku dhex yaac badan iyo argagax laga qaaday culeyska Fariinta…

Maxaa Dhacay Weerarka ka hor:-

Wararka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news xogtaan culus aan si furan loola wadaagin Qaar ka mid ah Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka, talaabadaan ayaa horseeday in saameyn & xakameynta ugu badan laga dareemay dhaqdhaqaaqa gudaha Villa Somalia gaar ahaan Masaajidka.

Iyadoo lagu wargeliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka 1-aad ineysan la soo geli karin ilaaladooda gudaha Villa Somalia gaar ahaan agagaarka Masaajidka, waxaana Saraakiisha Amaanka cabsi iyo shaki laga qabo ilaaladooda, talaabadaan ayaa la sheegay inuu go’aansaday Xasan Sheekh kadib markii uu la tashaday Hogaanka NISA & kan Gobolka.

Wadahadal iyo Raaligelin:-

Madaxweynaha ayaa khadka Taleefonada kula xiriiray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka 1-aad wuxuuna ka raali geliyay Xayiraada lagu soo rogay Ilaaladooda, isagoo u sheegay in xogo la siiyay ay muujinayaan in Ciidamo ku lebisan dareeska Ciidamada Dowladda ay Masaajidka Madaxtooyada goobo ay ka mid tahay ay weerari doonaan, Arrintaan ayaa noqotay dareen aan wanaagsaneyn oo kala shaki ku abuuray Madaxda sare.

Weerarka Hoteelka:-

Dhanka kale, waxaa shaki iyo hadal heyn weyn dhaliyay qaabkii loo maareeyay Howlgalkii lagu qaaday Hoteelka, iyadoo Khabiirada iyo Dadka Amniga u dhuun daloola ay isla qireen in Qaar badan oo ka mid ahaa Maleeshiyaadkii weerarka ka qeyb qaadatay ay goobta ka baxsadeen iyagoo gacan ka helaayay Hey’addaha Amaanka gaar ahaan xiligii lagu guda jiray Badbaadinta Dadkii Hoteelka ku sugnaa.

Xogo la helay ayaa muujineysa in Kooxda Weerarka qaaday oo ka koobnaa ilaa 15-xubnood, ayaa la xaqiijiyay in qaarkood ay muddo degenaayeen Hoteelka Caagadaha qaraxyada ku uruursadeen gudaha Hoteelka kuna sheegteen iney Malabka ka ganacsadaan, halka Ciidamada Dowlada xili saq dhexe ah ay qabteen Hal nin oo lagu tuhmaayo inuu Shababka ka tirsan yahay kadibna ay toogteen iyagoo 4-saacadood hayay su’aalad badana aan weydiinin.

Sidoo kale Nin ka soo baxay Hoteelka aroorninadii shalay subax isagoo ordaaya ayeey toogteen, ficiladaan Hey’adaha Amaanka ayaa muujinaaya in Dowlada loo gudbiyay Digniino Amaan ayna ka gaabisay iney Shacbiga iyo Martida Hoteelka ay dejisay ay ugu yaaraan Badbaadin kartay haddi ay heli laheyd Khabiiro dhanka Amaanka iyo qorshe howlgal oo hore loo dejiyay.

209220cookie-checkMaxaa ka Dhacay Villa Somalia ka hor Weerarkii Hotel Xayaat..

2 thoughts on “Maxaa ka Dhacay Villa Somalia ka hor Weerarkii Hotel Xayaat..

  1. Sida wax u dhaceen iyo iney Habacsanaan jirtay Waa muuqataa, laakin in Difaac laga galo Masaajidka Madaxtooyada Dadka ma qabato, Waa in la la Xisaabtamaa Saraakiisha Amaanka ee Howshooda gabay, ama sidii Farmaajo muddo 5-sano ah ku dhameystay inuu ka hadlin Xasuuqa Shacbiga..😭

  2. 😭Waxaase ka sii daran Xasan Sheekh isagoo Magaalada uu ka soo jeedo dhibaato ay geystaan Kooxaha argagixisada uu ka aamuso sidii Farmaajo (Maraanka), isla markaasna uu ka gaabiyo inuu Ergada uu ka keenay Ethiopia inuu Sugi waayo amaankooda, waxaad tahay Tale xume kiligiis Siyaasad dajiye ah, duf ku bax

Comments are closed.