Rooble Iyo Safarkiisa Dalka Kuwait

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Mr.Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka uga baxo tan iyo markii loo dhaariyay xilkaas….

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wajahan dalka Kuwait waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay in uu ka qeyb-galo tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii Bishii September ee sanadkaan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait uu la kulmi doono amiirka dalkaas iyo madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.

64490cookie-checkRooble Iyo Safarkiisa Dalka Kuwait