Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo Dowlada Egypt oo ka mid ah Dalalka ku yaboohay Howlgalka Ciidamada AUSSOM, ayaa sidoo kale la filayaa iney ka hirgeliso Fariisimo Ciidan iyo Dugsi Tababar oo Ciidamada Dowlada Federaalka lagu leylin doono..
Howlgalka AUSSOM Ciidamada Egypt ayaa loo qondeeyay iney tiradoodu noqoto 1,091-Askari, iyadoo ay jiraan Ciidamo kale oo ka baxsan Heshiiska AUSSOM kaasoo salka ku haya Heshiiska ay wada galeen Egypt iyo Somalia, iyadoo horey dhowr jeer ah Dowlada Masar codsatay in Fariisimo laga siiyo Ciidamadeeda Somalia intii ay socotay xiisadii u dhaxeysa Ethiopia & Egypt ee dhismaha Biyo xireenka Wabiga Nile-ka.
Xuuranada ayaa xaqiijinaaya in Ciidamada Masar la geyn doono Fariisimadii ay baneeyeen Ciidamada Burundi, inkastoo warar kale ay sheegaayaan Ciidamadaan la geyn doon Gobolka Shabeelada Hoose halka kuwa Uganda loo wareejin doono Gobolka Shabeelada Dhexe, Markab sida Hub iyo Agab Ciidan ayaa ku soo xirtay Dekada Mogadishu kuwaasoo ay Ciidamada Egypt, waxeyna si KMG ah u degi doonaan Xerada Ciidamada Dowlada Federaalka ee Duleedka Xalane.
Dowlada Ethiopia ayaa wada culeys saaryo ay ku heyso Dowlada Federaalka in Ciidamada Egypt aan la geynin Xuduuda Somalia & Ethiopia, iyafoo Mr.Abiy uu Xasan Sheekh kula heshiiyay in Ciidamada ka baxsab kuwa AUSSOM ee Ethiopia ay ka howlgalaan Gobolka Hiiraan.