Waa kuma Ra’iisal wasaaraha cusub Xamza Cabdi

Somalia news

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Ra’iisal wasaare u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna xubin ka ahaa Xisbiga UDP ee Madaxweynaha, waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose horraantii 1970…

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, Dugsiyada hoose, dhex iyo Sare ku qaaday gudaha dalka, Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay Dalka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu horay uga soo noqday xoghaye.

Inkastoo uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Xafiisyada Dowladda Federaalka ah, magaciisa waxa uu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday Guddoomiyihii Guddiga doorashada ee Jubbaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii.

195070cookie-checkWaa kuma Ra’iisal wasaaraha cusub Xamza Cabdi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com