Ethiopia & Maamulka Somaliland oo Heshiis Hordhac ah ka Gaaray Dagaalkii Dacawaley..

Africa News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in is afgarad hordhac ah laga gaaray colaadda ka taagan iyo khasaarihii ka dhashay Degaanka Dacawaley ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Kadib kulan ay yeesheen Howlwadeeno ka socda Maamulka iyo Saraakiil Ethiopian ah..

Is afgaradkan ayaa lagu gaaray kulan ay magaalada Jigjiga ku yeesheen Mas’uuliyiinta Amniga Maamulka Somaliland iyo Gen. Afgado Madaxa Ciidamada Ethiopia ee Aaga Bariga & iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka, iyagoo isla qaatay in la joojiyo dhiigga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax dambe u dhicin.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyey in Ciidamada Federaalku uu la wareego amniga Dacawaley iyo in xal buuxa laga gaaro muranka dhulka ee u dhexeeya Dadka degaanka, kaasoo sababay coladan oo ay Dad badan ku dhinteen, Waxaana lagu eedeeyay makeeshiyaadka Beesha Isaaq iney weerar ka geysteen Degaanka.

354680cookie-checkEthiopia & Maamulka Somaliland oo Heshiis Hordhac ah ka Gaaray Dagaalkii Dacawaley..