Ethiopia Oo Amaro Adag Dul Dhigtay Degaanada Ku Teedsan Xuduuda Somalia..

Africa News Security Somalia news

Iyadoo ay sii kordheyso Khilaafka xargo goostay ee u dhaxeeya Somalia & Ethiopia kuna aadan colaada ka dhalatay Heshiiskii ay Ethiopia la gaartay Maamulka Waqooyiga Somalia, isla markaasna ay Dowlada Federaalka ay Golaha Amaanka ka hor caddeysay in Ethiopia aysan ka mid noqon doonin Ciidamada Nabada Ilaalinta ee Sanadka bilowga 2025…

Madaxweynaha Somalia oo Wareysi siiyay wariye ka tirsan (@TomGardner18) Wargeyska @TheEconomist ayaa sheegay Haddii heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland la baabi’in waayo ka hor 31 December 2024, Ciidamada Nabad ilaalinta Ethiopia waa ka bixi doonaan Dalka, Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Somalia (AUSSOM) ee ay Qaramada Midoobay u xilsaaran tahay, ayaa lagu wadaa inuu bilaawdo 1-da Janaayo 2025, Waxayna beddeli doonaan @ATMIS_Somalia, oo waqtigeedu dhammaanayo 31-ka December 2024.

Ethiopia ayaa xiligaan gudaha Dalka Somalia ay ka howlgalasn 4000 oo ku howlgala Magaca ATMIS iyo 4000 kale oo heshiis Dowlada Federaalka si faar ah ula saxiixatay, Ciidamadaan iney Dalka Somalia ka howlgalaan waxey u fududeysay iney kasbadaan Taagwwto Diblomaasiyadeed Mid Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Agab Ciidan oo lagu siiyay Magaca taagwweoda xoojinta Nabada Somalia.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinasya in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Xadka Somalia ay bilaabeen iney xakameeyaan dhaqdhaqaaqa Dadka & Gaadiidka ka soo talaabaya Somalia, waxeyna ku doodeysa in xaaladda Gobolka ay Khatar ku yihiin Ciidamada Egypt waa sida hadalka ay u dhigtaye, iyadoo arintan ayaa timid kadib markii uu xumaaday xiriirka Somalia iyo Ethiopia, ku darsoo waxey Gobolada qaarkood soo gelisay Gadiid Hub iyo Saanad wada.

345240cookie-checkEthiopia Oo Amaro Adag Dul Dhigtay Degaanada Ku Teedsan Xuduuda Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *