Qarax-Miino Oo Lagu Weeraray Wariyeyaal u socday Degmada Mataban

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya qarax miino oo la la beegsaday Wariyayaal ka tirsan Warbaarinta Maamulka Hirshabelle kuwaasoo la sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka soo gaaray…

Wararka ayaa sheegay in Qaxaraan oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, wuxuuna ka dhacay Degaanka Qabno oo ka tirsan Magaalada Matabaan oo Gobolka Hiiraan, waxaa ku geeriyooday 3-xubnood uu ku jiro Wadihii gaariga, iyadoo ay sidoo kale ku Dhaawacmeen Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah Agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle.

Sidoo kale Weriyashaan waxay la socdeen kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana dhawaacyadooda loo qaaday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si loo saaro diyaarad Muqdisho u qaada.

197560cookie-checkQarax-Miino Oo Lagu Weeraray Wariyeyaal u socday Degmada Mataban