Xoogaga Hey’adda NISA Oo Lagu Eedeeyay Falal ka Baxsan Sharciga oo ay kula kacaan Wariye ka tirsan Idaacada Goobjoog

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa falal isugu jira Xarig sharci darro ah iyo jirdil ah oo Koox ka tirsan Xoogaga Hey’adda NISA ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Benaadir u geysteen Wariye ka tirsan Idaacada Goobjoog ee magaalada Mogdishu..

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Goobjoog news ayaa lagu sheegay in wariye Liibaan Cabdi Warsame si xun u jirdileen Dabley ka tirsan Hey’adda NISA ee ka howlgasha Degmada Howlwadaag, waana wax aan la aqbli karin in Muwaadin Soomaaliyeed Caasimada lagu jirdilo.

Mas’uuliyiinta iyo Wariyayaasha Idaacada ayaa ka dalbaday Hogaanka NISA iney soo fara geliyaan Xubnaha Hey’adda ee ka dambeeyay Falkaan soona qabtaan Cadaaladana la horgeeyo si loogu xisaabiyo Gabood falada ay ku kaceen.

217420cookie-checkXoogaga Hey’adda NISA Oo Lagu Eedeeyay Falal ka Baxsan Sharciga oo ay kula kacaan Wariye ka tirsan Idaacada Goobjoog