Ethiopia oo Darajada Danjire u Magcaawday Wakiilkii Qunsuliyadeeda Ee Magaalada Hargeysa ee Somalia..

Africa News Somalia news

Dagaal Diblomaasiyeedka u dhaxeeya Somalia & Ethiopia ayaa gaaray halkii ugu hooseysay kadib markii Madaxweynaha Ethiopia ay Wakiilkii fadhiyay Hargeysa uu dalacsiiyey Derajada (Ambassador) oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaa u jooga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland…

Qoraal ay soo saartay Madaxweynaha Dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde ayeey maalintii Arbacada aheyd magacawday 24 Danjire, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, waxeyna u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhamaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya Safiir.

Danjirayaasha loo dalacsiiyay Safiir buuxa ayaa waxaa ka mid ah Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Maamulka gooni goosadka Somaliland, Magacaabistaan ayaa ku soo beegmaysa xili dhawaan Dowlada Federaalka Somalia ay albaabada iskugu dhufatay Xafiisyadii Qunsuliyadaha ee Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ee Dalka Somalia.

327410cookie-checkEthiopia oo Darajada Danjire u Magcaawday Wakiilkii Qunsuliyadeeda Ee Magaalada Hargeysa ee Somalia..