Ma Dhabaa in Dhaqdhaqaaq Argagixiso laga soo Sheegaayo Xeebaha Galmudug iyo Puntland

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaq kooxda argagixisada Shababka ka bilaabeen tuulooyin ku teedsan xeebaha degaanada Galmudug iyo Puntland, iyadoo Hogaanada labada Maamul uu mid mashquul ku yahay Danihiisa halka kan kale uu ka qeyb gal aroos u joogo magaalada Djibouti…

Wararka ayaa sheegay in 2-maalmood ka hor maleeshiyaad uu hormuud u yahay Horjooge Yuusuf Kabaku tukade iyo 6-Gaari oo nooca BG-ga ah ay ka soo baxeen Degmada Aadan yabaal, Gaadiidkaan qaarkood waxaa ku raran Warshadii qaraxyada lagu farsameynaayay iyo tiro maleeshiyaad ah kuwaasoo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka.

Sahanka Maleeshiyaadkaan ayaa la sheegay in lagu arkay tuulooyinka Dhinowda (Galmudug), Garacad iyo Eyl (Puntland), waxeyna doonayaan iney u sii gudbaan Buuraha Galgala, Calmiskad iyo Calmadow, halkaasoo ay fariisimo ku leeyahay, dhowr sano ka hor ayeey sidaan oo kale Maleeshiyaadka kooxda shababka isku dayeen iney fariisimo ka dhigtaan Degaanada Xeebaha Puntland iyo Galmudug kuna fashilmeen.

229920cookie-checkMa Dhabaa in Dhaqdhaqaaq Argagixiso laga soo Sheegaayo Xeebaha Galmudug iyo Puntland