Ethiopia Oo Ka Biyo Diiday Dalab Uga Yimid Villa Somalia

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah oo ku Saraakiisha Villa Somalia ayaa sheegaya in Farmaajo uu fariin qarsoodi ah u dhiibay Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin, fariintaan ayaa xambaarsaneyd sidii Tiro Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia loogu geyn lahaa Caasimadda Mogadishu oo dagaalo ay ku dhex mareen Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka….

Xuurankaan oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa u xaqiijiyay in Agaasimaha NISA uu booqday Caasimadda Addis abeba, wuxuuna weydistay taageero Ciidamo oo degdeg ah taasoo la xiriirta Xaalada dagaal iyo Go’doonka Madaxtooyada ay ku sameeyeen Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka.

Adeege Yasin ayaa la sheegay in habeenkii Isniintii uu safar qarsoodi ah ku tagay Magaalada Addis abeba, iyadoo laga qariyay Warbaahinta gudaha ujeedada safarka ayaa xambaarsanaa sidii Ciidamo Ethiopian ah oo gurmad ah loogu soo diri lahaa Caasimadda islamarkaana “Muqaawamada Hubeysan ee dooneysa iney xukunka ka tuurto Farmaajo” looga difaaci lahaa.

Balse Mr.Abiy oo la tacaalaya xasaradaha ka jira gudaha Ethiopia iyo culeys saaryada Caalamka ayaa si cad u Diiday dalabka Farmaajo wuxuuna kula taliyay Fariin sidaha in Dalka loo jiheeyo Doorashada, codsigaan oo kale ayaa la weydistay Dalka Eritrea balse waxaa adag sida fasax uga heli lahaayeen AU-da iyo Golaha Amaanka UN-ka.

Adeege Fahad ayaa ka mid Shaqsiyaadka aan laga jecleyn Somalia, ayaa doonaayay in Taageero ka helo Ethiopia si loo badbaadiyo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, iyadoo ay Taageeradii kala noqdeen mms Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabelle kuna baaqay in Teendhada Afisioni lagu noqdo oo laga heshiiyo Khilaafka Doorashada, waxaana soo dhaweeyay baaqaasi Wasiirka 1-aad Mr.Rooble, Midowga Musharixiinta, Puntland iyo Jubbaland

115340cookie-checkEthiopia Oo Ka Biyo Diiday Dalab Uga Yimid Villa Somalia