Yaa Ka Hortaagan Dib U Soo Laabaahashada Shacbiga Magaalada Mogadishu

Somalia news

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in gudaha Magaalada Mogadishu ay ka barakaceen 60-100.000 Shacbi ah, dhowrkii Maalmood ee la soo dhaafay, Dadkaan ayaa ka qaxay degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Wardhiigley, Cabdicasiis, Shibis iyo Kaaraan, waxeyna ka qaxeen cabsida dagaal iyo xiisadaha ka dhashay Khilaafka Doorashada….

Xiisadaha Siyaasadeed Ee dalka ayaa muuqata mid ka xasilan sidii hore, inkastoo uusan jirin heshiis guud oo laga gaaray Colaada iyo Khilaafaadka Doorashada, laakin taasoo kuma dhiiri gelin karto Dadka Rayidka ah ee barakacay iney guryahooda iney dib u soo laabtaan inkastoo Wasiirka 1-aad uu ku baaqay soo laabashada Shacbiga guryahooda, Hadana Waxaa jira dhowr sababood oo dib u dhigaaya soo noqoshadooda waxaana ka mid ah:-

-Heshiis La’aanta Siyaasada, ma jirto heshiis Siyaasadeed oo dhinacayada ay wada gaareen dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Mogadishu, inkastoo Hogamiyayaal aan saameyn ku laheyn Muddo Kordhinta iyo dagaalada dhacay ay dhinaca Villa Somalia ka soo horjeysteen.

-Farmaajo oo weli Mowqifkiisa Caddeyn, wuxuuna sheegay inuu ku laabanaayo Baarlamaanka si uu u weydiisto iney la qaataan Doorasho dadban iyo heshiiskii 17-kii September, wuxuuna afkiisa ka ilaaliyay inuu diyaar u yahay in laga heshiiyo Dagaalkii dhacay iyo ka noqoshada Muddo Kordhinta.

-Ciidamada Dhufeysyada isaga soo horjeeda: Waxaa weli isku horfadhiya xaafado ka mid Caasimadda Ciidamada labada dhinac ee dagaalamay mana muuqato ifafaale iyo abaabul lagu kala qaadaayo, talaabadaasi waxey sii fogeysay rajadii ay qabeen Barakacayaasha gudaha iney dib ugu soo laabtaan guryahooda.

115370cookie-checkYaa Ka Hortaagan Dib U Soo Laabaahashada Shacbiga Magaalada Mogadishu