Ethiopia Oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Saldhigga Ciidan Ee Egypt

Somalia news

Maamulka Addis Abeba ayaa Jimcihii Shalay ka hadlay, aragti dooda ku Aadan in Xiriirka Dowlada Masar ay doonayso inay la samaysato dalal iyo degaano ku yaalla Bari Afrika, ay waajib tahay in aysan waxyeelin Danaha Ethiopia…..

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti, ayaa sheegay in Masar ay tahay Waddan madax-bannaan oo xaq u leh, in ay xiriir la yeelato dal kasta oo ku yaalla Gobolka, balse ay waajib tahay in xiriirkaasi uusan wax yeelin Xasiloonida Ethiopia.

Dhowaantanba, waxa soo baxayay warar sheegaya, in Masar doonayso in ay saldhig Militari ka samaysato Somaliland, oo ah dowlad ka go’day Waqooyiga Soomaaliya, balse aan weli loo aqoonsan dal madax-bannaan.

Dabayaaqadii bishii Luuliyo, wefdi ka socda Dowladda Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana sida la soo weriyay ay ka dalbadeen in ay saldhig Militari ka samaystaan Qaybta Waqooyi Galbeed ee Gobolkaasi Somaliland.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, wuxuu sheegay in ay si dhow ula socdaan Arrintaas, islamarkaana ay Khad cas uga dhigantahay Ehiopia, isagoo intaas ku daray in ay Xiriir saaxibtinimo ka doonayaan Somaliland, inkastoo aysan Dowlad madax-bannaan u aqoonsanayn.

Falanqeeyaasha qaar, ayaa u arka Tallaabada Masar mid ay uga aar-gudanayso Dowladda Soomaaliya, oo taageertay Xaqa Ethiopia u leedahay Dhismaha Biya-xireenka Webiga Niilka, ee ku kacaya $ 5 Bilyan oo Dollar, kaas oo ay ku muransan yihiin Masar iyo Ethiopia.

52670cookie-checkEthiopia Oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Saldhigga Ciidan Ee Egypt