Magaalada Mogadishu Oo Laga Dareemay Dhalinyaro Is Abaabulay

Somalia news

Kadib Markii Hoteelka lagu Weeraray Madaxweynayaashii hore isla markaasna Rasaas lagu caburiyay Banaanbaxayaal Nabadeed, ayaa waxaa soo shaac baxaaya abaabul xoogan ay wadaan Dhalinyaro beeleedyo hubeysano, kuwaasoo ka carooday falalka caburinta iyo cabsin gelinta Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Degmooyinka ku yaalla dhinac Konfurta iyo Waqooyiga Muqdisho ayaa laga dareemay ilaa shalay Abaabulka Ciidamadaan oo la sheegay in lagu ilaalin doono laguna xoojin doono ammaanka musharaxiinta oo qalqal galay saacadihii la soo dhaafay.

Xiligaan Magaalada Muqdisho ayaa hadda haawaneysa waxaana cidlo ah wadooyinka Muqdisho iyo xaafadaha qaar. Ciidanka dowladda waxaa wali u xiran wadooyinka muhiimka ah lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Muqdisho.

96400cookie-checkMagaalada Mogadishu Oo Laga Dareemay Dhalinyaro Is Abaabulay