Miyeey Siyaasinta Jiscin Doonka Dalal Ka Raadiyaan Kala Fogeynta Soomaalida

Somalia news

Macluumaad laga soo uruuriyay degaano ka tirsan Waqooyiga Somalia ayaa muujinaaya in siyaasada Muuse Biixi ee degaanada Waqooyiga ay Ethiopianka kaga xaq badan yihiin Soomaalida kale, isagoo dhiiri geliyay in Qaab ay Ethiopianka kaga dawarsan karaan magaalada Hargeysa iyagoo sita Zaad-ka…

Dhawaan Sheekh Cabdiraxmaan Dheere wuxuu dad uu wacdinayay u sheegay in dadka Ethiopian-ka ah oo la baray laba erey oo Soomaali ah si ay ugu hor dawarsadaan masjidyada ay tahay halis dhul ballaarsi. “Dad tukada ma aha” ayuu Sheekhu yiri, isagoo ku daray in dad reer Hargeysa ahi u sameeyeen kuwa dawarsada habka lacag-bixinta Saad. Dhawaan waxaa Hargeysa ka dhacday in gabar reer Hargeysa ah loo diiday warqad aqoonsi ID card), sidoo kale mid kale Ciidamada ka tirsan laga takooray Darajadii ay xaqa u laheyd.

Prof.Kabire oo Khabiir arrimaha Gudaha ayaa is-weydiiyay su’aashaan “Sidee naceybka intaa le’eg maamulka Somaliland u fidin karaa isagoo og in kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed aysan darbiyo ka kala dhex sameyn Soomaalida? Haddii, Eebbe kama dhigo, cadaw ajnabi ah soo weeraro waqooyiga waxa dhici doonta in Soomaalidu meel kasta ka soo gurmato si loola dagaallamo cadawga.

Waxaa habboon in Siyaasiyiinta gabowday ay garwaaqsadaan in kala fogeynta Soomaalida uusan marnaba noqon karin jiscinka qaraab doonka Siyaasigu, Halis weyn ayaa Soomaalida Waqooyiga soo food saareysa haddii Siyaasiyiintu u dhaqmaan sida dallaal suuqa xoolaha ilmarooje kaga xoogsada. Dallaalku wax kala iibsi iyo wax kala iibin ayaa danta guud kala weyn, Kuma xuma dallaal, laakiin haddii Siyaasigu garasho dallaal siyaasadda ku soo galo waxaa lumaya danta guud waxa dadku wada ilaashado sida dhaqanka, Midnimada & Diinta.

172920cookie-checkMiyeey Siyaasinta Jiscin Doonka Dalal Ka Raadiyaan Kala Fogeynta Soomaalida