Saadalin:-Yaa Ku Soo bixi kara 3-Kursi ee Jowhar

Somalia news

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Hirshabelle, ayaa ku dhawaaqay jadwalka 3 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku harsaneyd degaan doorashada maamulkaasi, waxaana doorashada kuraastaan kadib baaqi ku sii ahaan doona kaliya HOP086, oo Guddiga FEIT, sheegeen in la waafajin doono habraacyadii 2016.

Sida ku cad jadwalka uu shaaciyay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle, waxaa magaalada Jowhar, loo soo raray Kursiga HOP135, kaasoo Allaha u naxariistee, ay Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, oo 23 March 2022, lagu dilay magaalada Baladweyne oo degaan doorashadeeda ahayd.

Kuraasta kale, ayaa kala ah, HOP141, oo Baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islaw Ducaale, waana kursiga tartanka ugu adag loo gali doono, halka, HOP146, oo isna uu matalayay Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur, la sheegayo, in tartankiisa looga haray, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sida ku xusan jadwalka, Sabtiga soo socda oo ku beegan 30/04/2022, ayaa la dooran doonaa Saddexa kursi, taasoo ka dhignaan doonta in Guudlaawe, daah iyo dib u dhac dheer kadib uu dhinac iska mariyay culeyskii doorashada, Jowhar iyo Baladweyene, taasoo la rumeysan yahay in ay ka gadisneyd doorashooyinka kale ee maamullada.

Waxaa xusid mudan, in Kursiga HOP135, oo Fahad iyo Farmaajo ka dileen, AUN, Xildhibaan Aamino, ay tartankiisa u taagan tahay Samiira Mohamed Cabdi, oo la dhalatay Xildhibaanaddii la khaarijiyay, waxaana xogo soo baxaya sheegayaan in beesha kursiga leh, ay Guudlaawe, ku wargalisay in Samiira Maxamed lagu soo saaro kursigaas.

185650cookie-checkSaadalin:-Yaa Ku Soo bixi kara 3-Kursi ee Jowhar
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com