Labadii 2-sano Ee ugu dambeysay ayaa la saadaalinaayay in Doorashada soo socota Ee 2020/21 ay saameyn xoogan ku yeelan doonaan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, iyagoo tiro badan oo Odayaal iyo Ergo u yeeray degaanada ay maamulaan isla markaasna u qabtay Seminaaro la xiriira soo xulista Xildhibaano taageersan Kooxda….
Khubarada Falanqeeya arrimaha gudaha Ee Somalia ayaa ka digay in Saameynta Doorashada ee Kooxda, iyagoo sheegay in Kooxda ay horey ugu milmeem Hey’adaha Amaanka (Xooga Dalka, Boliiska iyo NISA), Shaqaalaha Dowlada, Ururada Bulshada iyo Odayaasha Dgaqanka.
Heshiiska ay wada gaareen Villa Somalia iyo Madaxda Maamulada ayaa la sheegay iney dan u sii shiday walaaca laga qabo Doorashada 2020/21, iyagoo go’aamiyay in Doorashada ay noqoto mid ku saleysan habka Qabiilka, waxeyna wadaan Olole ay uga iibinayaan Heahiiskaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u sheegay in Kooxda Shababka ay diyaariyeen tiro Musharixiin ah oo Kooxda taageersan kuwaasoo loo gacan geliyay Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada wax soo xuleyso, waxaana aad u kordhaayay hubanti la’aanta xagga Doorashada iyo Saameynta Kooxaha argagixisada oo isku dayeysa iney fara geliyaan Doorashada soo socota.