Dabley Hubeysan Oo Wiil Ku Dileen Degmada Kaaraan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay hoygiisa ku dhex dileen Wiil dhallinyaro ahaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kadib markii Dableyda ay u dhaceen hoygiisa, ka dibna ay rasaas huwiyeen..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dhacdadaan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacday xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Geesey Carab Yalaxow ayaa looga yaqaanay Xaafada. Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilkiisa, iyadoona ay goobtaasi ka baxsadeen kooxihii hubeysnaa ee hoygiisa ku weeraray.

Maamulka Degmada Kaaraan iyo Laamaha Amaanka ayaan weli ka hadlin Dilkaan ugu dambeeyay ee ka dhacay degmadaasi, Maalmihii ugu dambeysay dilalka ay gaysanayaan kooxaha hubeysan ayaa ku soo badanayay Caasimadda Muqdisho.

152110cookie-checkDabley Hubeysan Oo Wiil Ku Dileen Degmada Kaaraan