Maxaa Ka Jira On Ciidamo Ka Yimid Madaxtooyada Laga Celiyay Afisioni

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa galabta qeybo ka tirsan Ciidamada Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada ay isku dayeen iney la wareegaan Amaanka hoolka Afisyoone ee lagu wado uu dhowaan ka furmi doono shirka u dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka iyo Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.con news in Saraakiisha Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo loo xilsaaray ilaalinta nabadgalyada hoolka Afisyoone ay dib uga soo celiyeen halkaas Ciidamadii laga soo diray Madaxtooyada.

Wararka ayaa Sheegaya in Ciidamada AMISOM oo muddo laba maalmood ah halkaas ku sugnaa, isla markaana laga soo diray Xafiiska Wakiilka UN-ka ee Somalia, Sida laga soo warinayo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadii Madaxtooyada ee galabtay hawshaas ku hungoobay ayaa sheegaya in xiriiro ay la soo sameeyeen Villa Somalia kadib ay isaga huleeleen Afisyoone.

Talaabada lagu geeyey hoolka Afisyoone ciidamada AMISOM ayaa u muuqanaysa in jawaab ay u tahay codsigii Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay ku xireen ka qeybgalka shirka mudada saddexda jeer ah baaqday.

100470cookie-checkMaxaa Ka Jira On Ciidamo Ka Yimid Madaxtooyada Laga Celiyay Afisioni