Wasaarada Kaluumeysiga Oo Digniino u Dirtay Maraakiibta Jiraafka ka wada Xeebaha Dalka…

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa digniin ugu dirtay  dhamaan shirkadaha kalluumeysiga & Milkiilayaasha Maraakiibta, iyadoo ku amartay in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga Kaluumeysiga Federaalka Somalia…

Qoraalka ayeey (Wasaaradu) ku sheegtay iney tallaabo ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga ee Xeebaha Dalka, “Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariimada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada.

Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan shirkadaha kalluumaysiga iyo Milkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga Kalluumaysiga, Maraakiib badan oo jarriif ah ayaa si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Somalia.

319880cookie-checkWasaarada Kaluumeysiga Oo Digniino u Dirtay Maraakiibta Jiraafka ka wada Xeebaha Dalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *