Farmaajo Oo Fasaxay Qaadka Ethiopia

Somalia news

Shalay waxaa garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu soo caga dhigatay diyaarad la sheegay iney Qaad ka keentay Ethiopia, kadib markii ay Madaxtooyada Villa Somalia soo saartay Fasax loogu oggolaatay Qaadka Oromada….

Mr.Farmaajo oo xiriir dhow la leh Abiy-ga Oromada Ethiopia ayaa la sheegay inuu ogolaaday in qaadka baxa dalkaas ee Hareeriga loo yaqaano la keeno dalka, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya lagu fasaxay, kadib markii uu amray Madaxweynaha in Qaadka Ethiopia inuu si sharci ah ku soo galo Caasimada.

Shirkadda Diyaaradaha National Airways ee dalka Ethiopia, ayaa keligeed loo xiray iney Muqdisho keeni karto Qaadka Hareeriga Oromada, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu xiriir dhow la leeyihiin Villa Somalia, inkastoo mudooyinkii ugu dambeeyay uu mugdi soo kala dhex galay Xiriirka Farmaajo & Abiy.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in dowladda Soomaaliya ay kala jeclaato Qaadka labada dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Kenya R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada Madaxweyne.

67040cookie-checkFarmaajo Oo Fasaxay Qaadka Ethiopia