Wariye Loo Xiray Wareysi Uu Qaaday

Somalia news

Xoogaga NISA ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, kaasoo qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Kooxda Shabaabka…

ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Cabdullaahi Kulmiye loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Somalia, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.

Wareysiga muranka dhaliyey ayaa Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan wuxuu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

Xoogaga NISA ayaa sidoo kale xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah Ganacsatada Somalia, waxaana loo kireeyay guri ay ciidanka ilaalo ka yihiin, inkastoo loo ogol yahay in ehelladiisa ay u tagaan.

66980cookie-checkWariye Loo Xiray Wareysi Uu Qaaday