Xiliga Kala Guurka Iyo Xasaradaha Taagan

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Maamulka Farmaajo uu si hoose u diyaarsaday xiligaan xasaradaha taagaan qorshayaal taxane ah, kuwaasoo dhamaan uu u arko iney u sahalayaan sidii uu ugu nagaan lahaa Xarunta Madaxtooyada ama uu si KMG ugu guuri lahaa Magaalada Baydhabo…

Wararka ayaa sheegaya inuu u soo jeediyay Wasiirka 1-aad Mr.Kheyre inuu Noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabar iyo Naxdin, isla markaasna ay ugu fududaato Damaciisa muddi kordhinta, wuxuuna u sheegay Mr.Kheyre inuu Qorshahaasi ka meel mariyo Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Xildhibaanada taageersan.

Wuxuuna u soo jeediyay in Muddo kordhin 6-bilood ah loo ansixiyo muddo xileedkiisa, kadibna 6-kale loogu daro, isagoo intaasi in Maamulada 3-da ay diyaar u yihiin iney ku taageeraan Qorshahaan halka sano ah, Sidoo kale Safaaradaha Mareykanka iyo Qatar ay horey ugu oggolaadeen muddo kordhinta.

Hadii Qoshayaasini socon waayaan, Waxaa u diyaarsan in Mooshin laga keeno Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Xilkana laga xayuubiyo, isagoo adeegsan doono Labada Kuxigeen iyo Dhaqaale laga filaayo iney si deg deg ah ku keenaan Magaalada Muqdisho Maamulka Dooxa.

Waxaana la diyaariyay inGudoomiye Mursal lagu bedeli doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Fiqi (oo Qaba Farmaajo Walaashiis Faadumo) oo horay u ahaa Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaliya oo Saaxiib Dhow la ah Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba, Gudoomiyaha Baarlamaanka ma ka hor tagi doonaa damaca waalida ah ee Mr.Farmaajo mise gacsntiisa ayuu isku toogan doonaa?

38290cookie-checkXiliga Kala Guurka Iyo Xasaradaha Taagan