Kaluumeysatada Soomaalida Oo Ka Cabaneysa Maraakiibta

Somalia news

Waxaa qeylo Dhaan ka soo yeereysaa Kaluumeysatada Soomaaliyeed ee nolol maalmeedkoodu ku xiran yahay jilaabashada Kaluunka, kadib markii ay aad u kordheen Maraakiibta iyo Doonyaha sida sharci darrada ah uga kaluumeysta Xeebaha Somalia….

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xeebaha degaanka Gardafuu lagu arkay maalmihii ugu dambeeyay Doonyaha & Maraakiibtii Jariif ee ugu badnaa kuwaasoo guranaya Kheyraadka Badda, waxaana dhowaan jirtay in shirkad gaar ah oo ay leeyihiin xubno katirsan Puntland loo xiray in ay Jariifkan fushadaan xeebaha, Maamulkaasi kaliyah ma ahan Ee Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada Ee xeebaha leh ayaa iyaguna bixiya Shatiyo sharci darro ah.

Wasiiro katirsan Dowladda Federaalka, , Agaasimayaal wasaaradeed, Ganacsato & Saaxiibada Madaxda sare ayaa go’aansaday in ay jariifka siyaadiyaan si ay dhaqaale uga sameeyaan, Degaanada xiligaan ka soo yeertay qeylo dhaanta ka soo yeertay ayaa ah degaanka Gardafuu, gaar ahaana Xeebaha degmada Bareeda.

67070cookie-checkKaluumeysatada Soomaalida Oo Ka Cabaneysa Maraakiibta