Farmaajo Oo Hakiyay Dhaqaale Uu Bixiyay Bangiga Aduunka

Somalia news

Macluumad hordhac ah ayaa aga helayaa amaro uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu hakiyay dhaqaalihii Kabka Miisaaniyadda ee ka timid Bankiga Adduunka oo loogu tala galay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir, iyo Somaliland….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Faraamjo uu ku amray Wasaarada Maaliyada iney hakiyaan Dhaqaalahaasi, ilaa hadda Lama oga sababta Madaxweynaha u hakiyay lacagtan kabka Miisaaniyadda oo dhowaan Wasiirada Maaliyadda DFS, DG iyo Gobolka Banaadir ku qeybsadeen Shirkii ka dhacay Hotel Decale.

Dhaqaalaha kabka Miisaaniyadda Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya ayaa dhammeyd 70 milyan oo US$ ah, waxaana loo qebiyay sidan:-

-Dowladda Federaalka 19 Milyan US$

-Puntland 9 Milyan US$

-Galmudug 4 Milyan US$

-Koofur Galbeed Milyan 3 Milyan US$

-Jubbaland 3 Milyan US$

-Hirshabeelle 3 Milyan US$

-Gobolka Banaadir 3 Milyan US $

-Somaliland 11 Milyan US$

57120cookie-checkFarmaajo Oo Hakiyay Dhaqaale Uu Bixiyay Bangiga Aduunka