Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Huruuse oo Iska Casilay Xilkii Wasaarada..

Somalia news

sidii aan horey u qornay in Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowlada Federaalka Abshir Cumar Huruse ayaa qoraal u gudbiyay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, isagoobu sheegay inuu iska casilaayo Xilka Wasaarada, iyadoo isla maanta lagu wado inuu ka degi garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe..

Dhanka kale waxaa Degaanada Puntland ku sii jeeda Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, iyadoo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda Mr.Axmed Ciise Cawad ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wuxuuna ka mid yahay musharaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada Puntland ee la rajaynayo in ay dhacdo 8-da Jannaayo 2024.

294160cookie-checkWasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Huruuse oo Iska Casilay Xilkii Wasaarada..