Shir Ku Saabsan Maalgelinta Africa Oo Ka Dhacay Paris

Somalia news

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa marti geliyey kulan ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda dalalka Africa iyo hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda kaasoo lagu qabtay Magaalada Paris Dalka France..

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay siddii loogu raadin lahaa qaaradda Africa dhaqaalihii kaga burburay la tacaalista xanuunka Covid19. Waxaana ka soo qeyb galay Agaasimayaasha IMF iyo Bangiga Aduunka, Kulankaan ayaa socday dhowr saacadood,

Labaataneeyo Hogaamiyayaal African ah ayaa kasoo qaybgalay kulankan oo ka dhacay magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, waana shirkii ugu weynee ee noociisa ah ee foolka fool ah intii uu xanuunkaasi ka dilaacay Dunida.

119450cookie-checkShir Ku Saabsan Maalgelinta Africa Oo Ka Dhacay Paris