Shabaabka Oo Weerar ku qaaday Hotel ku yaal Xeyndaadka Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa koox hubeysan oo weerar ku qaaday qaybo ka mid ah (Marino gate) xerada Afisioni oo ka mid ah xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho…

Wararka ayaa sheegay kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka Dugsiga sare ee Boliiska, iyagoo ka faa’ideystay xiligaan oo Kolonyada Wasiirka 1-aad galeysa gaar ahaan Marino gate.

Iska horimaadka ayaa u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo kooxda Hubeysan ayaa ka dhacay Hotelka DSF ku yaal afaafka hore oo ay degan yihiin Ajaaniib, Siyaasiyiin & Xildhibaano, iyadoo goobto aheyd meel amaankeeda aad loo ilaaliyo & xarunta Eyaha MK-9., waxaa la sheegay in Keyd Shidaal oo ay leedahay Shirkadda docol ayaa gubatay.

Hoteelka ayaa ah goob aysan weligood haweysan Kooxaha argagixisada, waxaana istaagay dhamaan Duulimaadyadii Gudaha & Dibeda ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu.

176940cookie-checkShabaabka Oo Weerar ku qaaday Hotel ku yaal Xeyndaadka Garoonka Diyaaradaha