Farmaajo Oo Lagu eedeeyay Inuu hortaagan Yahay Howlaha Maxkamadaha Ciidamada

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya in Mr.Farmaajo uu in muddo ah ka meermeeraayo inuu u cusboonaysiiyo waqti Xileedkooda Madaxda Maxkamadda Ciidamada oo 2-diisano mar la cusboonaysiiyo, waxaana la sheegay in Warqadaha ay saaran yihiin Miiskiisa muddo ku dhow 4-bilood, uuna si cad u diiday inuu saxiixo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Mdaxweynaha Dowlada Federaalka uu si cad ugu sheegay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Ciidamada inuusan la dhacsaneyn howlaha Garsoorka, isla markaasna uu ka fekeraayo sidii uu ka yeeli lahaa, waraar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Adeege Fahad yasin Agaasimaha NISA ayaa la sheegay inuu culeys ku saaray Mr.Farmaajo inuusan saxiixin Dikeretada Cusbooneysiinta.

Ilo wareedkaan ayaa intaasi raaciyay in Khilaafka Mas’uuliyiinta Maxkamadda ciidamada iyo Adeege Fahad uu ka soo billowday kadib markii ay isku qabteen Kiisas dhowr ah uuna ugu weynaa Horjooge Max’ed Xaaji Ilkacase, kaasoo la shaqaynayay NISA, balse ay ogaadeen Madaxda Maxkamadda Ciidamada inuu yahay nin halis ku ah ammaanka Muqdisho, sidaasna ay ku rideen Xukun adag, Talabaadaasi ayaa waxaa ka cadooray adeege Fahad Yaasiin oo isku dayay inaan Maxkamad la geyn Ilkacase, balse taasi wuu ku fashilmay.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Mr.Xasan Cali -nuur “Shuute”, lagu wado in laga qaado Xilka iyadoo lagu bedeli doono laba shaqsi midkood kuwaasoo lagu kala magacaabo cabdulaahi dheere iyo C/raxmaan Shareeco, waxeyna ka tirsan yihiin Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada.

56910cookie-checkFarmaajo Oo Lagu eedeeyay Inuu hortaagan Yahay Howlaha Maxkamadaha Ciidamada