Dowladda Federaalka Oo Ku Dhawaaqeysa in Abaarta & Macluusha ay ka sii dartsy

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqi doonto in Dalku ay ku habsatay Abaar ba’an saacadaha soo socda, ayna Aduunka gargaar deg deg sh weydiisan doono…

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Saraakiil sare oo ka socota Hey’adda UN-OCHA, ay soo gaari doonan 48-saac ee soo socota, waxeyna si wadajir ah u qaban doonaan Warsaxaafadeed si Dalalka Aduunka looga codsado in gurmad deg deg loo la soo gaaro Shacbiga Soonaaliyeed si loo la tacaalo Abaarta & Macluusha.

Abaarta ka jirta Dalka ayaa saameyn ba’an ku yeelatay nolosha 6,1 Millions Oo Qof, 771,000 ayaa guryahooda ka cararay si ay u helaan Raashin, Biyo iyo Daaq, degaanada qaarkood ayaa laga soo sheegayaa Caafimaad darro ( Shuban-biyood), waxaana lagu wadaa in baaq deg deg ah loogu diray iney ka qeyb qaataan Gurmadkaan.

210770cookie-checkDowladda Federaalka Oo Ku Dhawaaqeysa in Abaarta & Macluusha ay ka sii dartsy
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com