Maxaa Madaxda Dowlada Ku Riixay dib u Eegista Heshiiska Shidaalka ee COASTLINE EXPLORATION

Somalia news

Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegtay iney dib u habayn ku sameysay heshiiskii wadaagga wax-soo saarka shidaalka ee Wasiirkii hore Batroolka Cabdirashiid Axmed uu la saxiixday shirkadda Coastline Exploration, iyadoo uu Madaxweynaha oggolaaday Heshiiskaasi..

Taariikhda Heshiisyada Shidaalka

Shirkadda Shidaalka coastal Exploration oo horey loo oran jiray Soma Oil and Gas oo uu Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre Saamilaydeeda mar ka mid ahaa, horeyna loo siiyay 7-Bloog oo baaris shidaal ee xeebaha Dalka, isla markaasna uu joojiyay Wasiirkii 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Rooble.

Maxaa Xiligaan Keenay Heshiiska:-

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Xubno ka socda Shirkadda ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Mogadishu waxeyna wada hadalo qarsoodi ah la teeyeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Wasiirka Macdanka, inkastoo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka uu ku sugan yahay magaalada Beled weyne.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegay in Dowlada Federaalka oo kaashanaysa Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada shidaalka ay ku guuleysatay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada ee heshiiskaas.

Maxey aheyd Tabashada:-

ik laa hadda lama yaqaano waxey tabashada aheyd laakinse waxaa marqaati ma doonto ah in Xiligii muranka taagnaa ee Maamlkii hore uu Xasan Sheekh codkiisa ku biiriyay qeybaha naqdiyay in Heshiis la la galo Shirkadaasi, wuxuu xiligaan oggolaaday inuu heshiiska la gaaro, talabadaan ayaa u muuqata mid uu gorgortan kula galay Madaxda Shirkadda heshiis hoosena la gaaray.

219980cookie-checkMaxaa Madaxda Dowlada Ku Riixay dib u Eegista Heshiiska Shidaalka ee COASTLINE EXPLORATION
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Maxaa Madaxda Dowlada Ku Riixay dib u Eegista Heshiiska Shidaalka ee COASTLINE EXPLORATION

  1. Boobkii Dembi jadiid miyaa halkiisii ka bilaawday Dadka ha loo naxo hadii kale cuqubadooda sooma daaheyso

Comments are closed.