Farmaajo & Rooble Oo Lagu Eedeeyay Iney Caqabad Ku Yihiin Doorashada & Amaanka Somalia

Somalia news

Warbixino laga helay Xubno ku dhow Wakiilada Beesha Caalamka ayaa laga soo xigtay iney ka daaleen u kala dabqaadida Hogaamiyayaasha Soomaalida, iyagoo taagan halkii ugu dambeysay oo ay go’aankooda kama dambeysta ah ugu gudbin lahaayeen Golaha amaanka ee Q/M si ay qaraar uga qaataan arrimaha Somalia….

Waxeyna sheegeen in Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta ay fariimo u direen kadibna aqbalay saacado kadibna uu soo diray inuu ka noqday, talaabadaasi ayeey ku tilmaameen iney ku riday niyad jab, waxaana lagu wadaa in Warbixino u gudbin doonaan Golaha Amaanka oo La filaayo inuu go’aan ka qaato ismari waaga Khilaafka Doorashada ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Madaxda Dowlad Goboleedyada taageersan Villa Somalia (K/Galbeed, H/Sh iyo Galmudug) ayaa la sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ay culeys ku saareen iney kulmaan oo keenaan qodobo xal u ah oo is mari waaga looga gudbi karo, waxaana la sheegay in culeysyo kaga yimid Madaxtooyada darteed ay u joojiyeen.

Marka lagu daro War saxaafadeedkii xalay ay soo saareen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo eedeyn u jeediyay Mr.Farmaajo inuu caqabad ku yahay soo af jarida Khilaafka Doorashada islamarkaana uu diyaaraaday muddo kordhin taasoo ay ka soo horjeedaan Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharixiinta, Puntland iyo Jubbaland.

Wakiilka UN-ka ayaa warbixin u gudbiyay Golaha Amaanka isagoo u cadeeyay iney ku guuldareysteen in xal laga gaaro Khilaafka Doorashada, Kadib Kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ayeey ku muujiyeen dareenkooda in aan Hogaamiyayaasha Soomaalida ay ku fashilmeen iney xaliyaan Khilaafka Doorashada isla markaasna hirgeliyaan heshiiskii 17/kii Sept. iyo kii 16-kii Feb.

106760cookie-checkFarmaajo & Rooble Oo Lagu Eedeeyay Iney Caqabad Ku Yihiin Doorashada & Amaanka Somalia