G/Wadatashiga Oo Looga Fadhiyo Iney Turxaan Bixiyaan Hanaanka Doorashada

Somalia news

Kulanka uu dhowaan ugu baaqay Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsinta, Golaha Wadatashiga Qaran iney ka soo qeyb galaan, kaasoo ka dhacaaya Magaalada Mogadishu ayaa lagu wadaa wadaa in Qodobada looga doodi doona waxaa ka mid ah dhaliilo lagu arkay Doorashadii la qabtay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dowladdaaha Gobolada qaarkood ayaa la sheegay iney ka biyo diidsan yihiin in lagu fara geliyo qaabka ay u soo xuleen Xildhibaanada Sida ku cad Heshiiskii la gaaray, waxeyn Hogaamiyayaasha Gobolada ku adkeysanayaan in loo madax baneeyo Boobka Doorashada Sida ka dhacay Doorashadii Galmudug iyo Konfur galbeed.

Dadka dhaliila Geedi socodka Doorashada ayaa ku doodaya in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu saameyn weyn ku Leeyahay Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Konfur galbeed, iyagoo u arka in Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay wataan qorshe ka soo horjeeda Ka Farmaajo, isla markaasna aan u nugleyn cadaadiska Villa Somalia.

Awoodaha xad dhaafka ah Ee Maamulada la siiyay ee hirgelinta xulashada dadban ayaa caqabad ku ah geedi socoka Doorashada, Danta Shacbiga iyo Qaranka Soomaaliyeed waxey ku jirtaa in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka Siyaasadeed si loo qabto hanaan Doorasho oo lagu kalsoonaan karo loogana hortago boob Doorasho iyo in dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daata uu Dalku galo.

158600cookie-checkG/Wadatashiga Oo Looga Fadhiyo Iney Turxaan Bixiyaan Hanaanka Doorashada