Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax dhacay abaare 5:20 daqiiqo galabta degmada Hodan ee Gobolka Benadir, qaraxaan ayaa lagu weeraray Gaadiid ay la socdeen dhaqaale u dhashay Dalka Turkey, waxaana ka dhashay khasaare…
Wararka ayaa sheegay in Gaarigaan oo noociisu ahaa Toyota Noah, xili uu maraayay qeybo ka mid ah degmada Hodon, waxaa ku dhaawacmay 4-Muwaadiniin u dhalatay dalka Turkey, iyadoo Hey’adaha amaanka ay goobta gaareen.

Qaraxaan ayaa ahaa nooca soo boodada ah ee la dhigo waddooyinka, kuwaasoo ay adeegsadaan kooxda Argagixisada Shababka.
1757410cookie-checkGaari Ay La socdeen Turki Oo lagu Weeraray Magaalada Mogadishu