Laftagareen Oo Kulan Ugu Yeeray Xildhibaanada & Senatarada Cusub

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada laga soo doortay degaanada Konfur Galbeed inay isugu yimaadaan Baydhabo 20-ka bishan, halkaasoo uu ka furmi shir wadatashi ah oo ku saabsan jiheynta doorashada Dalka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegtay in la rumeysan yahay in Madaxweyne Lafta Gareen uu kala hadli doono dib u doorashada Farmaajo iyo arrinta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Iyadoo weli aan la ogeyn halkii uu ku dambeeyay Kulankii lagu dhisi lahaa Isbaheysiga Dir-Digil & Mirifle, kaasoo lagu waday in lagu qabto magaalada Baydhabo 25-ka Bishaan.

175830cookie-checkLaftagareen Oo Kulan Ugu Yeeray Xildhibaanada & Senatarada Cusub
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com