Dhaqdhaqaaqa Lacagaha Bitcoin-ka Ka Faa’ideysi la’aanta Soomaalida

Somalia news

Laga soo bilaabo 2009-kii waxaa si xowli ah ugu faafay Lacago cusub oo loogu magac daray Bitcoin, waxaana la sheegaa inuu aasaasay nin lagu magacaabo Satoshi Nakamota oo u dhashay Dalka Japan, waana lacag dijital ah oo aan laheyn Bangi dhexe ama hal maamule..

Waxaa lagu kala iibsadaa Qaab noodh ah iyadoo aan loo baahneyn dhexdhexaadiye 3-aad, Dalka Somalia ayaa lagu sheegaa ineysan jirin Ganacsato diyaar u ah iney qaataan Bitcoin-ka, waxeyna ku tiirsan yihiin Lacagta Dollar-ka oo ay wax ku kala iibsadaan, shaki la’aan Lacagtaan waxaad uga shaqeyn kartaa do xeyndaab ka dhan ah kuwaasoo u nugul qiimo dhaca soo noqnoqda.

3-siyaabood oo maangal ah oo aad uga faa’iideysan kartid kana caawini karta inaad ku shaqeysato Lacagaha Bitcoin-ka kuwasoo kala ah:-

Ku bedelo Xawaalad:-

Dalka Somalia waxaa aad uga howlgala Xawaalado kuwaasoo shacbiga ku xiran yihiin ku wareejinta ama dirista Lacagaha, hase yeeshee Bitcoin-ka waa ka sii fududahay Xawaalada.

Wax Ka iibsiga Online-ka:-

Ma jirto Shabakad Somalia ka howlgasha oo aqbasha Bitcoin-ka, laakkn Shirkado ka baxsan dalka ayaa qaata lacagahaan Dijitaalka ah, waxeyna ku fududeyneysaa inaad online wax ku ibsato.

Keydsiga Bitcoin-ka:-

Lacagahaan ayaa heysan kartaa inta doonto kadibna markii ay kuula muuqato ayaa iska iibin kartaa adigoo ka macaashaya fa’ido badan oo aan dul saar la socon & khidmada adeega.

175670cookie-checkDhaqdhaqaaqa Lacagaha Bitcoin-ka Ka Faa’ideysi la’aanta Soomaalida
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com