Gaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay Oo Ku Qarxay Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya Gaari miineysan ayaa la sheegay inuu caawa ka dhacay Magaalada Mogadishu kaasoo la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac..

Wararka ayaa sheegayaa in qaraxaan uu ka dhacay isgoyska Baar ubax ee Magaalada Mogadishu, waxaana ku geeriyooday Hal Qof iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana loo adeegsaday gaari nooca Toyota Harrier, Madaxa Boliiska Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in Gaarigaan uu xoog ku soo dhaafay Kontrol u yaalay Xoogaga Amaanka.

Xoogaga Amaanka ayaa sheegay in Gaariga uu ku geeriyooday qofkii waday, Qaraxaan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee boo uusan Ah oo ka dhacay Magaalada Mogadishu, iyadoo uu noqday qaraxii ugu horeeyay muddooyinkii ugu dambeeyay.

159590cookie-checkGaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay Oo Ku Qarxay Mogadishu