Maamulka Sool (Somaliland) Oo Lagu Eedeeyay Caburinta Suxufiyiinta

Somalia news

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay xarig loogu geystay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool 3-Wariye oo degaanka ka soo jeeda, kuwaasoo ay u geysteen Xoogaga Amaanka Maamulka Somaliland…

Qoraalka SJS ayaa lagu sheegay in 26-kii December ee sanadkii tagay ay Xoogaga Amaanka Magaalada ay xabsiga u taxaabeen Wariyayaasha kala ah Cabdifataax Maxamed Cabdi Oo u shaqeeya Holhol Media, sidoo kale 30-kii December ayeey Xoogaga Amaanka qabteen Wariyayaasha kala ah Cabdikhadar Faarax Abshir Oo u shaqeeya Universal Tv iyo Xamsa Cabdiraxman Axmed Oo ah Wariye Freelance.

Sidoo kale SJS ayaa walaac ka muujiyay cadaadiska ay Xoogaga Amaanka Magaalada Kismaayo ku hayaan Weriyayaasha Degmada ka howlgala, waxeyna sheegeen in xiliyadii ugu dambeeyay Saraakiisha Amaanka ay Hanjabaado u dirayeen Suxufiyiinta Magaalada, kuna aadan Cabashada Doorashada.

159620cookie-checkMaamulka Sool (Somaliland) Oo Lagu Eedeeyay Caburinta Suxufiyiinta