Ma Dhabaa In Xijaar Xil Ka Qaadis Loo Diyaariyay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa In Farmaajo uu ku cadaadinaayo Mr.Rooble inuu Xilka ka xayuubiyo Taliyaha Ciidamada Boliiska, kadib markii Uu Khilaaf xoogan soo kala dhex galay, isla markaasna ku eedeeyay inuu xiriiro la leeyahay Midowga Musharixiinta…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Khilaafka Farmaajo iyo Xijaar uu soo bilaawday kadib markii dagaalka ka dhacay Waqooyiga iyo Konfurta Magaalada Mogadishu, isla markaasna uu Mr.Xijaar ka biyo diiday iney Ciidamada Boliiska saameyn ku yeeshaan Dagaalka.

Villa Somalia ayaan sidoo kale ku qancin fur furnaanta taliye Xijaar iyo raali gelintii uu siiyay Murashaxiinta Mucaaradka ah gaar ahaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo murashaxiin kale, kadib markii ay dhammaatay xiisaddii Muqdisho.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Farmaajo uu ku taliyay in Taliyaha Boliiska loo magacaabo shaqsiga Asad Diyaano si taageero uga helo degaanada Puntland, Villa Somalia ay xiligaan dejisay hoteel ku yaalo Airport-ka Muqdisho, waxaana amaankiisa a lagu xoojiyay gaadiid iyo ciidan ka tirsan NISA.

Mr.Rooble ayaa la sheegay in uusan ilaa hada ka jawaabin codsiga ka yimid dhinaca Villa Somalia lamana oga nooca go’aan ee uu ka qaadan doono maadaama uusan Farmaajo laheyn sharciyad uu xil ka qaadis ama magacaabis ku sameeyo.

128860cookie-checkMa Dhabaa In Xijaar Xil Ka Qaadis Loo Diyaariyay