Gabdhaha Gaadiidka Dadweynaha ku Shaqeysta & Dhibaatooyinka ay la Kulmaan…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Magaaladaani waxaa ka howlgala in ka badan 480 Bajaaj ah, waxaana la sheegay in hal Gabadh mooyee inta kale ay rag wada yihiin inaysan wax sahlan aheyn in Qof Dumar ah ay bajaaj magaalada Burco uga shaqeyso…

Caasha Axmed Nuur oo 37-sano jir ah ayaa ah hooyo 6-Caruur ah korsata, waana Gabdhaha kaliya ee magaalada Burco uga shaqeysa bootada Bajaajta, ayn maalintii ka macaashto 5-11 US$, Kalinimada darteed waxay wajahdaa caqabado aysan la qabin ragga ay isku shaqada yihiin, hasa yeeshee taasi kama hor istaagin howsheeda, inkastoo af-xumo iyo Yasid ay u dheer tahay, iyadoo ku sababeysay in Dadka oo aan horay u baran, dhaqan ahaana u arka waxaan dumarka ku habooneyn, Waxay sheegtay in dad badan aysan kalsooni ku qabin iyada, sidoo kalana xilliga habeenkii ay ka caagan tahay inay shaqeyso sababo amaan darteed.

“Caqabadaha waxaa ka mid ah markaan kaligey meel soo istaago oo inta kale rag yihiin waxaa la oronayaa Bajaajta yaa wata, Marka la yiraahdo gabar ayaa wadata waxay dhahayaan ma raacayo gaari ay gabar Wado, Laakiin uma joojiyo taas, waloow marka caqabadahaas igu soo noqnoqdaan aan is iraahdo iskaba daa Bajaajta, laakiin waxaan ku fakaraa inaan ka rumeeyo hamigeyga oo aan cidna u joojin.”

334360cookie-checkGabdhaha Gaadiidka Dadweynaha ku Shaqeysta & Dhibaatooyinka ay la Kulmaan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *