Warbaahinta Caalamka & Kuwa Carabta Oo ka Hadlay Gabar Soomaaliyeed..

Africa News

Inta badan Wakaaladaha wararka Caalamka gaar ahaan kuwa Carabta ayaa si aad ah u hadal haya Wararka Gabar Soomaali ah oo dishay nin u dhashay Dalka Egypt kaasoo isku dayay inuu u geysto fal kufsi ah, waxaana dhexmaray gacan ka hadalka ugu dambeyntii geeerida isu bedelay..

Gabadhaan ayaa Boliiska Dalkaasi u sheegtay iney iyada gacanteeda ku dishay ninkan oo ku waday mootada Tuk Tuk looga yaqaano dalkaasi, waxeyna sheegtay iney dhowr jeer u dirtay fariin ah inuu ka istaago, taasoo uu ka dhega fureystay.

Sida uu qoray wargeyska Al-Masry Al-Youm, dhacdadan waxey ka dhacday gobolka Giza, waxeyna Gabadha dilka kadib ay tagtay Saldhiga Boliiska ee Sitta October, iyadoo uu la socday Qareen xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee dalka Masar.

Xeer ilaalinta guud ayaa amray in la sii daayo Gabadhaan inta laga sugayo baaritaanka dilka loo geystay darawalka, waxaana lagu hayay xabsiga mUdo 4 maalin ah, waxeyna ninka ku dishay mindi uu ula soo baxay oo ay ka galisay Kilida Bidix.

Dalka Masar waxaa ku badan dhibaatooyiinka la xariira tacadiga dhanka jinsiga iyo waliba kufsiga gaar ahaan kuwa ka dhex dhaca gaadiidka dadwaynaha.

191170cookie-checkWarbaahinta Caalamka & Kuwa Carabta Oo ka Hadlay Gabar Soomaaliyeed..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com