Is-faham laga gaaray Ruqsad (Boobka) bixinta Kaluumeysiga Xeebaha Somalia

Somalia news

Dalka Somalia ayaa lagu tiriyaa Wadamada ugu xeebta dheer Qaarada Africa ugu kheyraadka badan dhanka Badda, hase yeeshee nasiib darro waxey liiska hooseya ka gashay Dalalka aan ka faa’iideysan kheyraadkaasi laguna xado qaab sharci darro ah, iyadoo ay bililaqadaasi ay fududeeyeen Madaxda Federaalka iyo kuwa Gobolada…

Shalay ayaa waxaa soo xirmay kulan ay wada yeesheen Wasaarada Kalumeysiga Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulada Gobolada, kaasoo socday 20-kii ilaa 22-kii Bishaan, iyadoo lagu heshiiyay 6-qodob, oo ay ugu muhiimsaneyd xoojinta wada shaqeynta, Horumarinta Kaluumeysiga, Kor u qaadida suuq geynta iyo horumarinta xirfadaha.

Ayaan darrase, ilaa hadda Waxaa Kaluumeystada Soomaaliyeed ay aad uga cabanayaan Maraakiibta Dalalka Spain, Italy, France kuwaasoo Xaaluf ba’an ku haya, waxaana ilaaliya Maraakiibta dagaalka ee dalalka EU-da, ku darsoo Dowladda Federaalja ayaa Oggolaasho siisay 300 oo shirkadood Kaluumeysato Chinese ah, kuwaasoo gurta kheyraadka Badda.

Waxaan ka marneyn Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa iyaguna heshiisyo hoose la galay Shirkaddo Kalyumeysi oo laga leeyahay Dalalka Iran, Thailand iyo India, waxeyna dhaqaale u shubaan Hogaanada Maamulada kuwaasoo aan dan ka lagetn dhibaatada lagu hayo Kaluumeysatada iyo xaalufka ugxaanta Kaluunka.

220370cookie-checkIs-faham laga gaaray Ruqsad (Boobka) bixinta Kaluumeysiga Xeebaha Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com