Gacan Ka Hadal Dhex Maray 2-Mas’uul oo ka Tirsan Wasaarada Maaliyada iyo Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Warar dheeraadd ah ayaa laga helayaa dagaal gacan ka hadal dhex maray 2-Mas’uul oo ka tirsan Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka, shaqaaqadaan ayaa la sheegay iney salka ku heyso Shirkad u xil saaran uruurinta Canshuuraha laga qaado Guryaha iyo Ganacsiga magaalada Mogadishu…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in gacan ka hadal uu shalay galab xarunta Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ku dhex maray Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Mr.Xaange iyo Agaasimaha Canshuuraha Feysal Xaashi, Dagaalkaan ayaa la xaqiijiyay inuu salka ku hayo qeybsiga dhaqaalaha (Canshuuraha) ay soo uruuriso Shirkad gaar loo leeyahay uuna saamiga ugu badan ku leeyahay Agaasimaha Canshuuraha (Feysal).

Shirkadaan ayaa qandaraas lagu siiyay soo xareynta dhakhilga gudaha isla markaasna Maleeshiyaad hubeysan u qoratay, iyadoo 3-bilood ee u dambeysay waday Olole Qori caaradiis Cabshuuraha lagu qaadayay isla markaasna Dadka Guryaha iska leh si qasab ah oo sharci darro ah Dukumentiyada Lahaanshaha dhulka nugulo looga qaadayay, ku darsoo Mr.Feysal oo xiriir dhow la leh Qoyska Madaweynaha ayaa horey waxaa shaqada uga joojiyay Wasiirkii hore ee Maaliyada Dr.Cilmi Nuur Balse ayaan darro Wasiirka ayaa xilkiisii ku waayay kadib markii uu Xasan Sheekh xil ka qaadis deg deg ah ku sameeyay.

332970cookie-checkGacan Ka Hadal Dhex Maray 2-Mas’uul oo ka Tirsan Wasaarada Maaliyada iyo Sababta ka Dambeysa..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *