Qeylo dhaan laga soo Saaray Doonyo Kaluumeysi Oo Si Sharci darro ugu Kaluumeysta Xeebaha Puntland

Somalia news

Kaluumeysatada Degaanada Puntland ayaa cabasho ka muujiyay tirada sii kordheysa ee Shirkadaha Kaluumeysiga oo fasaxa ay siisay Dowlad Goboleedka Puntland, iyadoo tiro yar oo Doomahaasi ah oo la qabtay la siidaayay kadib markii uu Madaxweynaha soo fara geliyay…

Dad xogogaal ah ayaa sheegay in Doonyaha la qabtay a tiradoodu kor u dhaafayaan 15-Doomood, kuwaasoo uu horey u siiyay Shatiyo Mr.Dani, iyadoo dhawaan ay Caddeysay Maamulka Garoowe in aaney kala shaqeyneynin Wasaarada Kaluuneysiga ee Dowladda Federaalka, isla markaasna aysan qeyb ka aheyn Shuruucda Kaluumeysiga ee Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegay in Howlgal ay qaadeen Ciidamada Xeebaha ayeey ku qabteen 6-Doomood kuwaasoo ka kaluumeysanaayay Xeebaha Gobolka Bari, iyadoo la siidayay mid ka md ah kafib markii ay soo fara geliyeen Qoyska Madaxweynaha, halka 5-ta kale ay ku xaniban yihiin Marsooyinka Boosaaso iyo Caluula.

247290cookie-checkQeylo dhaan laga soo Saaray Doonyo Kaluumeysi Oo Si Sharci darro ugu Kaluumeysta Xeebaha Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com